Curin: Barre Maxmed Fiidow
Laxan: Barre Maxmed Fiidow
Luuq: Xasan Aadan Samatar
Markaan da’da jiray shan iyo toban
Markaan damac guur la soo kacay
Dookheyga markaan u sahan tagay
Naftayda mid aan u doorbido
Da’deed anigoon ka garanayn
Hablaha ka daydayo middaan iri
Dabeecadaheeda gaar iyo
Bal aan dul ahaan tilmaamee
Cirkoo dambasame ku hooroo
Dunida maasheeyay waa gu’e
Midabka biyo dahab sidoodii
Ishaan daymada ka bogone
Jeedaalada waw dawo iyo nabad e
Caashaqan muddo badan
Muddo badan I daashaday
Riyada taan doonisteedii
Hurdada deris kula ahaan jiray
Dabayshiyo dhaxanta dayreed
Dugsiga tii iiga noqon lahayd
Waaw…waaw
Armay dar Allee, adiga tahayee
Dooddiyo kulankeennii barashada
Deexdiyo (?) hadalkaagii macaanaa
Dawooy, samirkiyo dulqaadkii
Iimaankiyo daacaddaadii
Dubaaqeygaa jeclaystee
Naftayda middii ay ku degi lahayd
Waaw…waaw
Armay dar Allee, adiga tahayee
No comments:
Post a Comment