Monday, October 15, 2018

Tooga

Erayada: Axmed Saleebaan Bidde
Laxanka: Maxamed Cige Warsame (Ilbir)
Luuqda: Maxamed Saleebaan Tubeec iyo Faadumo Cabdillaahi Kaahin (Maandeeq)


Tubeec

Ninkan caashaqu taabay
Uu tallaabo u diiday
Waxan uu tabanaayo
Adigow tari laaye
Inta aad jar ka tuurtay
Sow u maad tudhi waayin


Maandeeq

Niyow taaha ku raagay
Ee tabaalada sheegtay
Haddaad caashaq la tiicday
Talo waa ta Ilaahee
In la ii talinaayo
Taa miyaanad ogaynba

Tubeec

Ifku waa talantaalli
Ruuxba maalin tashaaye
Haddaan taabka ku haysto
Amba kaama tageene
Tooga waa ma huraane
Maad ka toosisid meesha

Maandeeq

Tabta roobku daruurta
Hadba uu tus u keenaa
Hadalkaad i tidhaana
Iigu sii tarmayaaye
Anoon kuu tudhi waayin
Ha ku taamin xumaanta

Tubeec

Ninkan tiisu cuslaysay
Adna kaa tegi waayay
Nabsi wuu tukubaaye
Hooy intaanu ku taabin
Tooga waa ma huraane
Maad ka toosisid meesha

Maandeeq

Waynagaa u tasownnay
Tabtii Layliyo Qayse
Ku tallaashay jacayloo
Wadnahaygaad ku taale
Waa tabaalo adduune
Rabbi hay na la tiirsho.


Fiiro: Heesihii horraantii lixdannadii (1962-1964) soo baxay bay ka mid ahayd. Riwaayaddii Axmed Saleebaan Bidde ee Alle Aamin Ma Iisho ayay ku jirtay. Hore waxaa u wada qaaday Maxamed Yuusuf Cabdi iyo Saynab Xaaji Cali (Baxsan). Laakiin markan dambe ee Tubeec iyo Maandeeq wada qaadeen bay caan noqotay.


No comments:

Post a Comment