Wednesday, October 17, 2018

Carro'edeg

Erayada: Muuse Cali Faruur
Laxanka: Xuuxuule (nin hilible ahaan jiray buu ahaa)
Luuqda: Sahra Axmed Jaamac

Cosob raadi geeluba
Mar buu ciin ku daaqaa
Caadh iyo xadhaadh loo
Anna ciilka kama koro
Mana daayo caashaqa
Cabashana ma waayee
Kii aan calmadayeen
Carro'edeg ka doortaa
I mariyay ceebtaa


Caqli daran naftaydaay
Carcaraaf i marisaye
Sideen caawa yeelaa?

Rag caddaaday baa yidhi:
"Haddaad ii cug badan tahay
Cadho waayi mayside"
Anna kama calool go'o
Casho mid aan is aragnoo
Dhakhso ii cajabiyee
Kii aan calmadayeen
Carro'edeg ka doortaa
I mariyay ceebtaa

Caqli daran naftaydaay
Carcaraaf i marisaye
Sideen caawa yeelaa?

Cuudkuba dharaar buu
Jiilaal caddaadiga
Afka caws la waayaa
Anigana cir ii da'ay
Markii aan cab idhi sow
Ceeryaamo muu noqon!
Kii aan calmadayeen
Carro'edeg ka doortaa
I mariyay ceebtaa

Caqli daran naftaydaay
Carcaraaf i marisaye
Sideen caawa yeelaa?


Fiiro: Beri hore, badhtamihii 1973, ayay heestani soo baxday. Waxa ay ku jirtay riwaayad la odhan jiray Agoon Aabbo La' oo Muuse Cali Faruur curiyay. Maxamed Mooge ayaa isna heestan qaaday.




No comments:

Post a Comment