Erayada: Maxamed Cali Kaariye
Laxanka: Bashiir Xaddi
Luuqda: Xasan Diiriye Faarax iyo
Hibo Maxamed Huddoon (Hibo-Nuura)
Xasan Diiriye
Nimuu dhabarku jaban yahay
Dhaqdhaqaaqi maayee
Sidaan dhawr habeen qaday
Dhafoorradu i jiidmeen
Waa dhaawacaagii
Waxan aan la dhuubtee
Markii ana ku dhawraba
Dhib baa ii kordhaysee
Hibo
Markii hore dhitiyo subag
Dhay baan filaayee
Dhiil madhan adoo sida
Dhabta igaga tuurtee
Dharab’orodka xoolaha
Dhurwaagaa ku laayee
Ani dhadiyo ceeryaan
Ha i odhan ka dhaansee
Dhalanteedku waa midaan
Iga dhaadhacaynine
Xasan Diiriye
Ninkii dhiirranaan jiray
Waqtigaa dhantaaloo
Dhaaxaan itaalkay
Amba dhaban adaygee
Dhudhuniyo laxaadkii
Wax ku dheefi waayee
Habaar kuguma dhaafine
Dhadhaab baa i hor yaallee
Hibo
Aqal dhinac bannaan yahay
Dhaxan kaama celiyee
Dharaartii aan baahnaa
Igu dhego adaygtee
Dhuubkaa kolay tahay
Kaama helin dhaqaalee
Waa adigii i dhigay meel
Dhamac iyo abaaroo
Dhalanteedku waa midaan
Iga dhaadhacaynine
Xasan Diiriye
Sidii Dheeho geeloo
Dhaameel hawdka daaqdoo
Dhanihii Bullaaliyo
Dhoobaale joogtaa
Ama tahay dhir canabaad
Dhaayaha u roontee
Weli waan dhursugayaa
Inaan wada dhammaynnee
Hibo
Ninkii dhuumanaayee
Dhabarkiisu muuqdee
Dhakhso loo ogaadaad
Sidiisii ka dhigantoo
Hadalkaa "dhan saarkaa"?
Kaa dhegaysan maayee
Haddii ay dhab kaa tay
Dhaar ma ii maraysaa
Mise kala dhaqaaqnaye
Sidaas baan ku dhaafnaa!
Fiiro: Xasan Diiriye Faarax, Alle ha
u naxariistee, badhtamihii 2008 buu ku geeriyooday dalka Kuwayd (BBC-Somali).
No comments:
Post a Comment