Monday, January 21, 2019

Waan Heesayaayee

Ereyada: Xuseen Aw Faarax Dubbad
Codka: Maxamad Saleebaan Tubeec

Waan heesayaayee
Sannad waliba hoodiyo
Hawl iyo dhibaatiyo
Wuxuu hadimo lee yahay
Waa laga helaayoo
Hadhow lagu xusuustaa
Kii noo hagaagee
Noqo loo han weyn yahay


Qaar kaa horreeyoo
Hodanaa na dhaafee
Halkii loogu mahadnaqay
Ka habaabi mayside
Kuwa hadhayna dabadaa
Waa la hubsan  doonaa
Kii noo hagaagee
Noqo loo han weyn yahay

Waan ku haybinaynee
Ilaahey ha kaa dhigo
Adna hogol da'aysiyo
Habeen dhalad barwaaqa ah
Nimco la harsan dooniyo
Cawo lagu heshiiyee
Kii noo hagaagee
Noqo loo han weyn yahay







1 comment:

  1. Waxaa kale oo heestan qaada asalkeedana ku codeeyay Salaad M. Shardi 'Derbi'. Wuxuu ku luuqeeyay isagoo aad u da' yar oo codkiisa mid gabdheed la moodo.

    Aad ayaad ugu mahadsan tihiin waanna bogaadinayaa qaabkan aad u soo badhigtaan heesaha.

    Waxaad xustaan ruuxa curiyay, qifkii laxameeyay, cidda ku luuqaysa oo la socdaan erayadii oo qoran iyo codkii.

    ReplyDelete