Ereyada: Yuusuf Aadan Allaale
Luuqda: Binti Cumar Gacal
Laxanka: Cabdi Tahliil Warsame
Barbaarta yarkaan ka eegtay
Wiilkii isha iigu baaqay
Inankii caashaqa aan beernay
Anigu baaq baan ku raacay
Anigoo Beledxaawo jooga
Muxuu Bari iiga yeeray
Kolkaan Boosaaso gaadhay
Muxuu Burco iiga heesay
Anoo Beer sii maraaya
Hadduu badda Boyn[1] ka
raacay
Inuu been ila jilaayay
Adaa Boqorow ogaaye
I bixiyoo iga badbaadi
Haddaan bogsadoon ka raysto
Sidaan uga booday caashaq
Jacaylba haddaan u booyo
Haddaan nin dambow baroorto
Haddaan Baxsanow iraahdo
Aniga balaayaba hayga raacdo
Baxdowga ninkaan u qaatay
Jacaylkii berisamaadkaa
Bishaarada iigu yeeray
Bilkheyrkana ugu jawaabay
Yarkii bogga ii fariistay
Yarkii beerkeyga saafay
Yarkii bogga ii salaaxay
Inaanan baraarugeynin
Markuu ka bogtuu ogaaday
Hadduu baddal iigu jiiday
Inuu bohol ii qodaayay
Adaa Boqorow ogaaye
I bixiyoo iga badbaadi
Haddaan bogsadoon ka raysto
Sidaan uga booda caashaq
Jacaylba haddaan u booyo
Haddaan nin dambow baroorto
Haddaan Baxsanow iraahdo
Aniga barwaaqaba hayga raacdo
Faallo: xogta heestaan waxaa laga heli karaa wareysigaan (daqiiqadda
11:35) oo ay Binti siisay telefishinka Universal Somali TV
Halkan ka akhri heeso kale oo QORAN
[1] Boyn:
waxay u badan tahay in abwaanku uu ula jeeday diyaarad (Boeing) taana waxaa
lagu garan karaa tilmaanta (akshanka) ay Binti gacmaha ka bixinayso marka ay
tuducaas ku heeseyso. Waxaase yaab leh waxa bad iyo diyaarad isu keenay J
No comments:
Post a Comment