Sunday, November 11, 2018

Sida Canabka Beeraha

Erayada: Maxamuud Maxamed Yaasiin (Dheeg)
Laxanka: Xasan Sabriye Afrax (Xasan-Gareyd)
Luuqda: Maxamed Axmed Kuluc iyo Xaliimo Cumar Khaliif (Magool)


Sida canabka beeraha
Ama kayn caleenliyo
Dhul cagaarku siman yahay
Caad iyo Garloogubay
Cosobkii ku yaalloo
Cawshu gaardiyaysoo
Cidi daaqin baad tee

Cawo waxaa leh
Ama ciil bixi lahaa
Calaf nimuu ku siiyoo
Cunto ku la wadaagood
Gogol ku la cawaysaa

Magool

Cirka oo daruurliyo
Casar hogol darroortiyo
Cadceed subax la moodyow
Waxaad ii la cayn tahay
Dayaxoo cawayskii
Carrigoo mugdi ahaa
Dhulkii wada caddeeyee

Cawo waxaa leh
Cadraddii nasiibiyo
Calaf kuu aroosee
Carruur kuu xambaarteed
Gogol ku la cayaartaa

Kuluc 

Cabbaadhyaha ku yaalliyo
Cududaha iyo laafyaha
Caaddilkii ku uumaa
Qurux cayn la doonaba
Inan yahay tin iyo cidhib
Cadka kuu dhammeeyo
Ceebba kaa ilaashee

Cawo waxaa leh
Ama ciil bixi lahaa
Calaf nimuu ku siiyoo
Cunto ku la wadaagood
Gogol ku la cawaysaa

Magool

Adba wiil codkaraa too
Cilmi iyo aqoon loo
Caaqil taliya baad tee
Ruuxaan caawa ku la simo
Ifka cagaha soo dhigay
Cidi sheegi maysoo
Adigay cajabiyee

Cawo waxaa leh
Cadraddii nasiibiyo
Calaf kuu aroostee
Carruur kuu xambaarteed
Gogol ku la cayaartaa

Kuluc

Sida ciidda waynoo
Cooflihiyo dhallintii
Isu soo caddaysoo
Golahii ciyaaraha
Cawayskii isugu timi
Carfigiyo udgoonkana
Caynkoodii baad tee

Cawo waxaa leh
Ama ciil bixi lahaa
Calaf nimuu ku siiyoo
Cunto ku la wadaagood
Gogol ku la cawaysaa

Cawo waxaa leh
Cadraddii nasiibiyo
Calaf kuu aroostee
Carruur kuu xambaarteed
Gogol ku la cawaysaa

Cawo waxaa leh
Ama ciil bixi lahaa
Calaf nimuu ku siiyoo
Cunto ku la wadaagood
Gogol ku la cawaysaa



Faallo: waa hees ka mid ah heesihii riwaayaddii lixdannadii la dhigay ee Talo iyo Tallaabo ee abwaan Dheeg sameeyay. Waa heestii u horraysay ee uu laxameeyihii weynaa ee Xasan-Gareyd laxanka u sameeyay.


No comments:

Post a Comment