Luuqda: Xasan Aadan Samatar
Ereyada: Cabdulqaadir Xirsi Siyaad (Yamyam)
Laxanka: Cabdikariin Faarax Qaarrey (Cabdikariin-Jiir)
Xalay gelin dhexaadkii
Mar aan mayrac guuraha
Sheedda guriga faalalay
Oon himilo gaar ah iyo
Dayaxoon galsho lahayn
Ilayskiisa galalacay
Sida goonni daaq cawl
Gaafmeeray socodkii
Oon guud haldhaa iyo
Mililicay gob weynoo
Midba goonni laamaha
Rucub miro ag gunuddoo
Gadgaddoonka raamuhu
Dhexdu deri garaara leh
Hadba gees u liicaan
Oon weli gar eexaad
Lagu niqin guntiisoo
Gudin nabar u yeeshiyo
Gacan cadow ku dhicinoo
Oon halaq galeeniyo
Inna godad lahaynoo
Gardhadiyo caleemaha
Aanay haaddu guran karin
Oon xididkiisa gaarani
Deyrtoo gidaaddiyo
Gu' la waayay aragoo
Gondaha rayska kula jira
Oo hoos galbeedkiyo
Harka gelinku bixiyaa
Neecaaw gaara lee yahay
Oo meel gabboodiyo
Sabo guri ku yaalloo
Leexo is galaashiyo
Ufo garamo kiciyiyo
Dabaylaha gilgiliyaa
Manka aanay goyn karin
Kalgacayl i galay iyo
Gocoshada xusuustiyo
Haybaddaa ila gudubtoo
Naxariis indhuhu godol
Baalashii is geliyeen
Ayaa gedefka muuqa
Geed iiga dhigayee
Illeen araggu waa gabadh
Mase garanayee talo
Guurti yaa u marin lahaa
Goob xaarashada yaa
Isagoon gafkina sugay
Garta keligii niqi lahaa
Naftu gogatay laabtee
Googgaale badanaa
Gudbi wayday saantuye
Ma god baa horteeda ah?
Inaan laba mid soo galo
Sow ilama gudboonaan
Geesi waayo'arag ihi
Dantii kama gaddoomee
Sow ardaaga gurigii
Gaashaan kamaan dhigan
Sow ereyo googgo'an
Goonibaar kumaan oran
"Guuleed ma joogaa?"
Guntanaha sarbeebta ah
Sow ma aanay garanoo
Kaftan dhiirrigeliniyo
Googgaa ma oranoo
Sheekadii igama gurin
Oo gudasho xeer iyo
Gaari camaladeedii
Gogol iima soo dhigin
Haasaawe guudoo
Gardaadsaday jacayliyo
Sow barasho gaaroo
Aanu libin ka gaadhnaa
Goobtaa kamuu dhalan
Laxawgaa guntamay iyo
Faraxaa ka soo go'ay
Qalbigii gurnaayee
Irmaanaaday galabtow
Gacma furan dhankaygee
Daalo geedaheedii
Danhi aan ka guray iyo
Guntimooyin ubaxoo
Xariir lagu galeeyaan
Idiin geliyay qoortee
Deeq gacalo weeyee
Gobaad waxaad u dhiibtaan
Boholyow aan qof ii gelin
Intii aan gu' noolaa
Gundhiggii xishoodkaay
Adiguna garaad badaneey
Maanku kaama guuree
Murti aan la goohiyo
Gunno weeye keligaa
Gabdho aad ka mudatee
Geesteydaan caashaqa
Ka godladay
Ha gaagixin
HEESO KALE OO QORAAL AH
Ereyada: Cabdulqaadir Xirsi Siyaad (Yamyam)
Laxanka: Cabdikariin Faarax Qaarrey (Cabdikariin-Jiir)
Xalay gelin dhexaadkii
Mar aan mayrac guuraha
Sheedda guriga faalalay
Oon himilo gaar ah iyo
Dayaxoon galsho lahayn
Ilayskiisa galalacay
Sida goonni daaq cawl
Gaafmeeray socodkii
Oon guud haldhaa iyo
Mililicay gob weynoo
Midba goonni laamaha
Rucub miro ag gunuddoo
Gadgaddoonka raamuhu
Dhexdu deri garaara leh
Hadba gees u liicaan
Oon weli gar eexaad
Lagu niqin guntiisoo
Gudin nabar u yeeshiyo
Gacan cadow ku dhicinoo
Oon halaq galeeniyo
Inna godad lahaynoo
Gardhadiyo caleemaha
Aanay haaddu guran karin
Oon xididkiisa gaarani
Deyrtoo gidaaddiyo
Gu' la waayay aragoo
Gondaha rayska kula jira
Oo hoos galbeedkiyo
Harka gelinku bixiyaa
Neecaaw gaara lee yahay
Oo meel gabboodiyo
Sabo guri ku yaalloo
Leexo is galaashiyo
Ufo garamo kiciyiyo
Dabaylaha gilgiliyaa
Manka aanay goyn karin
Kalgacayl i galay iyo
Gocoshada xusuustiyo
Haybaddaa ila gudubtoo
Naxariis indhuhu godol
Baalashii is geliyeen
Ayaa gedefka muuqa
Geed iiga dhigayee
Illeen araggu waa gabadh
Mase garanayee talo
Guurti yaa u marin lahaa
Goob xaarashada yaa
Isagoon gafkina sugay
Garta keligii niqi lahaa
Naftu gogatay laabtee
Googgaale badanaa
Gudbi wayday saantuye
Ma god baa horteeda ah?
Inaan laba mid soo galo
Sow ilama gudboonaan
Geesi waayo'arag ihi
Dantii kama gaddoomee
Sow ardaaga gurigii
Gaashaan kamaan dhigan
Sow ereyo googgo'an
Goonibaar kumaan oran
"Guuleed ma joogaa?"
Guntanaha sarbeebta ah
Sow ma aanay garanoo
Kaftan dhiirrigeliniyo
Googgaa ma oranoo
Sheekadii igama gurin
Oo gudasho xeer iyo
Gaari camaladeedii
Gogol iima soo dhigin
Haasaawe guudoo
Gardaadsaday jacayliyo
Sow barasho gaaroo
Aanu libin ka gaadhnaa
Goobtaa kamuu dhalan
Laxawgaa guntamay iyo
Faraxaa ka soo go'ay
Qalbigii gurnaayee
Irmaanaaday galabtow
Gacma furan dhankaygee
Daalo geedaheedii
Danhi aan ka guray iyo
Guntimooyin ubaxoo
Xariir lagu galeeyaan
Idiin geliyay qoortee
Deeq gacalo weeyee
Gobaad waxaad u dhiibtaan
Boholyow aan qof ii gelin
Intii aan gu' noolaa
Gundhiggii xishoodkaay
Adiguna garaad badaneey
Maanku kaama guuree
Murti aan la goohiyo
Gunno weeye keligaa
Gabdho aad ka mudatee
Geesteydaan caashaqa
Ka godladay
Ha gaagixin
HEESO KALE OO QORAAL AH
No comments:
Post a Comment