Ereyada: Ismaaciil Sheekh Axmed
(Ismaaciil-Cagaf)
Luuqda: Cabdi Tahliil Warsame
Sida faras xullaaloo
Aan xaaluf aragoo
Nugaal xayska daaqoo
Baruur dhabarku xoodmoo
Ama Xallin fadhiyayoo
La xannaanin jirayoo
Xuddunta iyo feedhaha
Farawguu xardhoo
Oo xuub dhacsadayoo
Sayntu dhulka xaabtoo
Oo aan xajiiniyo
Weli mudan xas iyo duur
Oo xariirta shaalkiyo
Xakamihii la sudhayoo
Koore loo xambaaroo
Xog’ogaale fuuloo
Oo xuufka booddada
Xawaarada la yaaboo
Oon orodka xiiqayn
Qaar baa xarraamee
Marka aan xaggaagiyo
Xubnahaaga eegaba
Xiisoodayeey
Xadantoodayeey
Xoodaantayeey
Aan xaaluf aragoo
Nugaal xayska daaqoo
Baruur dhabarku xoodmoo
Ama Xallin fadhiyayoo
La xannaanin jirayoo
Xuddunta iyo feedhaha
Farawguu xardhoo
Oo xuub dhacsadayoo
Sayntu dhulka xaabtoo
Oo aan xajiiniyo
Weli mudan xas iyo duur
Oo xariirta shaalkiyo
Xakamihii la sudhayoo
Koore loo xambaaroo
Xog’ogaale fuuloo
Oo xuufka booddada
Xawaarada la yaaboo
Oon orodka xiiqayn
Qaar baa xarraamee
Marka aan xaggaagiyo
Xubnahaaga eegaba
Xiisoodayeey
Xadantoodayeey
Xoodaantayeey
Sida xiito geeloo
Xilligii gu’gii
Inta ay xergeeyeen
Xodayo ay ka foofsheen
Ama wiilal xoog lihi
Inta ay xabbaadheen
Xidhadhkii Hagoogane
Xeryo uga oodeen
Ama ay Xayaabliyo
Bannaanada Xalxaliseed
Keyn laba naq xaadheen
Nirguhu ugu xidhan yiin
Uu xamashka doogguna
Xagashaada gaadhoo
Roobna uu xuluushoo
Wadhan tahay xareeddii
Oo ay xabtiisiyo
Xigtiisiiba taalloo
Oo ay weelka xoorkiyo
Caanuhu xarfanayaan
Marka aan xaggaagiyo
Xubnahaaga eegaba
Xiisoodayeey
Xadantoodayeey
Xoodaantayeey
Xilligii gu’gii
Inta ay xergeeyeen
Xodayo ay ka foofsheen
Ama wiilal xoog lihi
Inta ay xabbaadheen
Xidhadhkii Hagoogane
Xeryo uga oodeen
Ama ay Xayaabliyo
Bannaanada Xalxaliseed
Keyn laba naq xaadheen
Nirguhu ugu xidhan yiin
Uu xamashka doogguna
Xagashaada gaadhoo
Roobna uu xuluushoo
Wadhan tahay xareeddii
Oo ay xabtiisiyo
Xigtiisiiba taalloo
Oo ay weelka xoorkiyo
Caanuhu xarfanayaan
Marka aan xaggaagiyo
Xubnahaaga eegaba
Xiisoodayeey
Xadantoodayeey
Xoodaantayeey
Sida geesi xididkiyo
Xigtadiisu jeceshoo
Oo xubinta hadalkiyo
Xaajada yaqaannoo
Oon xume sokeeyiyo
Lagu xaman bakhaylnimo
Oo xoolabixin iyo
Deeqsinnimo ku xeeldheer
Oo loo xubeeroo
Sida xuladka nooloo
Xaasha aan la dhaafayn
Halka uu xarriiqoo
Ama sheekh xadiiskiyo
Xaqa diinta sheegoo
Xag Ilaahay mooyee
Tii kalaba xooroo
Oo ay xeertiisiyo
Dadkoo idil ku xoomaan
Oo ay xuuralcayntiyo
Jannadii xusuusteen
Marka aan xaggaagiyo
Xubnahaaga eegaba
Xiisoodayeey
Xadantoodayeey
Xoodaantayeey
Xigtadiisu jeceshoo
Oo xubinta hadalkiyo
Xaajada yaqaannoo
Oon xume sokeeyiyo
Lagu xaman bakhaylnimo
Oo xoolabixin iyo
Deeqsinnimo ku xeeldheer
Oo loo xubeeroo
Sida xuladka nooloo
Xaasha aan la dhaafayn
Halka uu xarriiqoo
Ama sheekh xadiiskiyo
Xaqa diinta sheegoo
Xag Ilaahay mooyee
Tii kalaba xooroo
Oo ay xeertiisiyo
Dadkoo idil ku xoomaan
Oo ay xuuralcayntiyo
Jannadii xusuusteen
Marka aan xaggaagiyo
Xubnahaaga eegaba
Xiisoodayeey
Xadantoodayeey
Xoodaantayeey
FIIRO GAAR AH: dad fara badan heestaan waxay u yaqaannaan SIDA FARAS BULLAALAY, saxna ma aha. Xeerka suugaanta Soomaalida waxaa ka mid ah in halkii tuducba uu ku jiro erey ka billowda xarafka (qaafiyad/xarafraac) ay heestu ku socoto. Saa daraaddeed, 'sida faras bullaalay' ma aha ee waa SIDA FARAS XULLAALAY.
Ilaahey naxariis badan ha siiyo hal'abuurkii heesta sameeyay, Ismaaciil Shiikh Axmed, caafimaadna ha siiyo hoobalka qaaday, Cabdi Tahliil Warsame oo ay nagu maqaala tahay in uu Xamar ku xanuunsanayo.
Ilaahey naxariis badan ha siiyo hal'abuurkii heesta sameeyay, Ismaaciil Shiikh Axmed, caafimaadna ha siiyo hoobalka qaaday, Cabdi Tahliil Warsame oo ay nagu maqaala tahay in uu Xamar ku xanuunsanayo.
No comments:
Post a Comment