Erayada: Maxamed Cumar (Huryo)
Luuqda: Muuse Ismaaciil Qalinle iyo Faadumo
Cabdillaahi Kaahin (Maandeeq)
Qalinle
Inan yahay mar aan tegay
Miyigoo barwaaqaa
Oon maali jiray ramad
Dhallinyaro is maqashoo
Mirta dhexe ciyaar guda
Oo aan u madax ahay
Markay timi rugtiinnii
Ma aday ahayd xalay
Horta taan la soo maray
Miyigoo barwaaqaa
Oon maali jiray ramad
Dhallinyaro is maqashoo
Mirta dhexe ciyaar guda
Oo aan u madax ahay
Markay timi rugtiinnii
Ma aday ahayd xalay
Horta taan la soo maray
Mise waa ismoodsiis
Oo maluhu waa been
Masalada ujeeddadu!
Oo maluhu waa been
Masalada ujeeddadu!
Maandeeq
Markay tahay cadceed dhaca
Maqaariibta dabadeed
Iyo milayda hoyashada
Anoo maalka soofiyo
Mayracaya xoolahaa
Meel hiimse'hiimsaa
Ma aduu ahaa shalay
Ruuxii i magacdhabay
Meella ila joogini
Maqaariibta dabadeed
Iyo milayda hoyashada
Anoo maalka soofiyo
Mayracaya xoolahaa
Meel hiimse'hiimsaa
Ma aduu ahaa shalay
Ruuxii i magacdhabay
Meella ila joogini
Mise waa ismoodsiis
Maqalkiyo dhawaaqaan
Anna sii macaansaday!
Maqalkiyo dhawaaqaan
Anna sii macaansaday!
Qalinle
Inan yahay mirtii xalay
Markuu laba u qaybsamay
Mugidigii habeennimo
Meeshii aan jiifsaday
Markuu laba u qaybsamay
Mugidigii habeennimo
Meeshii aan jiifsaday
Markaan laamaddoodsaday
Maayadi i qaaddee
Ma aduu ahaa xalay
Ruuxaanu muranneen
U macneeyay caashaqa
Maayadi i qaaddee
Ma aduu ahaa xalay
Ruuxaanu muranneen
U macneeyay caashaqa
Mise waa ismoodsiis
Oo malahu waa been
Masalada ujeeddadu!
Oo malahu waa been
Masalada ujeeddadu!
Maandeeq
Kurta maraan u raray dhaan
Meel haro ahoon tegay
Oo maalka joogiyo
Dadka maanku koobayn
Muddo aada sheekadaa
Dhallinyaro ku murannee
Meel haro ahoon tegay
Oo maalka joogiyo
Dadka maanku koobayn
Muddo aada sheekadaa
Dhallinyaro ku murannee
Ma aduu ahaa kii
Horta ii miciinee
Hawsha ila maamulay
Horta ii miciinee
Hawsha ila maamulay
Mise waa ismoodsiis
Maqalkiyo dhawaaqaan
Anna sii macaansaday!
Maqalkiyo dhawaaqaan
Anna sii macaansaday!
Qalinle
Inan yahay mahiigaan
Miiraale roobaad
Meel uu ku hooroo
Mayay subaxii ku cartamay
Oo daadku meeshaa
Mulacyeeyay kaymaha
Ma aday ahayd taan
Maqashiyo naylaha
Fiidkii ku soo maray
Miiraale roobaad
Meel uu ku hooroo
Mayay subaxii ku cartamay
Oo daadku meeshaa
Mulacyeeyay kaymaha
Ma aday ahayd taan
Maqashiyo naylaha
Fiidkii ku soo maray
Mise waa ismoodsiis
Oo malahu waa been
Masalada ujeeddadu
Oo malahu waa been
Masalada ujeeddadu
Maandeeq
Mar ay tahay gu’ iyo hodan
Kaymaha madheedhka ah
Uu dooggu milikh yahay
Kaymaha madheedhka ah
Uu dooggu milikh yahay
Marsin iyo agtiisiyo
Annagoo Marqaan naal
Mar aan faallo dheer galay
Ma aduu ahaa kii
Maalka iga bixiyee
Horta shalay i mehersaday
Maalka iga bixiyee
Horta shalay i mehersaday
Mise waa ismoodsiis
Maqalkiyo dhawaaqaan
Anna sii macaansaday!
Maqalkiyo dhawaaqaan
Anna sii macaansaday!
Faallo: waa mid ka mid ah heesaha ugu wacan ee uu sameeyay mid ka mid
ah halabuurradii hore ee Soomaalidu. Waa hees aan hubo in aanay weligeed liici doonin. Waxa aannu mahad u naqaynnaa Mustafa A. Nour oo
erayada heestan qoray, kolka laga reebo tifaftir kooban oo aan ku samaynnay.
Mahadsanid, Mustafe.
Fiiro: Marqaan, Marsin iyo Kurta waa tuulooyin dhulka Hawdka ku yaal.
Fiiro: Marqaan, Marsin iyo Kurta waa tuulooyin dhulka Hawdka ku yaal.
No comments:
Post a Comment