Friday, November 2, 2018

Boodhari Sidiisii


Erayada: Axmed Aadan Xuseen (Axmed-Masri)
Luuqda: Maxamed Nuur Giriig


Jacayl waa belaayoo
Waa baaxadsooroo
Waa anigan besteeyee
Markaan Bilan helaa buu
Iga bi’i la’aayoo
Ayadaa i bogsiisoo
Bar wadnaha ku taalloo
Igu baahday weeyee
Boodhari sidiisii
Barashada jacaylkana
Ayadaa igu beertoo


Been laguma heesoo
Runta lagama baydhee
Waa loo badheedhaa;
Cilmi kuu la balanbalay
Ee Qays la baabba’aa
Anna igu ballaadhee
Bar wadnaha ku taalloo
Igu baahday weeyee
Boodhari sidiisii
Barashada jacaylkana
Ayadaa igu beertee

Ayadoo habeen badha
Intaan soo baraarugay
Baallaha ka eegoo
Markaan bixiyay faynuus
Illayn baabbah weeye
Barkimada dagaaloo
Bar wadnaha ku taalloo
Igu baahday weeyee
Boodhari sidiisii
Barashada jacaylkana
Ayadaa igu beertee

Basarkiyo jaahiyo
Bilicda iyo nuurka
Waa mid aan bogayoo
Aan u beerraqaayoo
Biyo nimay u keentaa
Bil ku soomanaadee
Bar wadnaha ku taalloo
Igu baahday weeyee
Boodhari sidiisii
Barashada jacaylkana
Ayadaa igu beertoo


Faallo: halabuurka erayada heestan sameeyay, Axmed-Masri, waxa uu la dhashay labadii halabuur ee Cismaan Aadan (Cismaan-Askari) iyo Yuusuf Aadan Allaale. Heeso caanbaxay, sida tan oo kale, ma uu lahayn Axmed-Masri. Waa hees macaan :) 




No comments:

Post a Comment