Thursday, November 22, 2018

Dhoof


Erayada: Maxamed Cali Kaariye
Laxanka: Xasan-Garayd?
Luuqda: Maxamed Axmed Kuluc iyo Xaliimo Cumar Khaliif (Magool)

Kuluc

Jacaylkan i dhaawacay
Jacaylkan i dhalanrogay
Jacaylkan i dhaansaday
Jacaylkii dhabta ahaa
Soo dhowaatay halistii
Haddaad iga dhaqaaqdee
Bal inaan ku dhiirrado
Dhexdaan xidhanayaa
Malmal baan dhitaysanee
Dhoof nooli kulantee
Ha dhantaalin caashaqa
Dhakhso iigu soo noqo


Magool

Amba dhiiggu ka ma fulo
Dhanbaalwadaha beerkoo
Sidan dhaxal u yeeshoo
I dhex degay ma guuree
Waxaan dhuuni ka cunaa
Dhandhanaansi keliyee
Way dhaamisaa weel
Ilmada iga dhacaysaa
Dhabankayga qoysee
Dhawr nabad ku sii joog
Ha dhantaalin caashaqa
Dhakhso waan u soo noqon

Kuluc

Dhaqaaq toobiyaha qaad
Dhulku taako taako
Dharaartii dallaallimo
Malaa’ig ha ku dhawroo
Wax ku dhiba Ilaahay
Kuuma soo dhoweeyee
Gadiidkana mid aan dhicin
Dheelliyaynin sii raac
Dhakhso meel walba u taga
Dhoof nooli kulantee
Ha dhantaalin caashaqa
Dhakhso iigu soo noqo

Magool

Jacayl aan dhammaanayn
Jacayl aan i dhaafayn
Dhuuxiyo wadnaha galay
Jacaylkii dhulkaygiyo
Halkan igu dhibaayaan
Debed u dhoofinayaa
Waan soo dhiibi doonaa
Dhambaal iyo waraaqaan
Dhiig ku soo qorayee
Dhawr nabad ku sii joog
Ha dhantaalin caashaqa
Dhakhso waan u soo noqon

Faallo: Waxa ay heestani ku jirtay riwaayaddii ‘Sidaas Ma Isku Qabnaa Mise Waan Qasannaa’ ee Maxamed Cali Kaariye curiyay ee 1976 la dhigay. 





No comments:

Post a Comment