Tuesday, November 20, 2018

Madaxeen Bannaan


 Erayada: Ismaaciil Sheekh Axmed (Cagaf)
Laxanka: Cabdillaahi-Qarshe
Luuqda: Maxamed Saleebaan Tubeec



Waa mahad Allee
Maantaba dunida
Ka mid baynu noo
Madaxeen iyo
Mijaheen bannaan

Waa mahad Allee
Madaxeen bannaan


Waa mahad Allee
Mugdigii ilays
Lagu meeriyoo
Maantaba illayn
Waannu muuqannaa

Waa mahad Allee
Madaxeen bannaan

Waa mahad Allee
Magac yeelannoo
Maamuus helnee
Mudana iyo marwa
Maantaba tihiin

Waa mahad Allee
Madaxeen bannaan


Waa mahad Allee
Malabka dhulkaa
Miidda ii fadhida
Waa maalin dhow
Taynu muudsannaa

Waa mahad Allee
Madaxeen bannaan


 Waa mahad Allee
Rag la miidhayoon
Aan mildhaawihayn
Maantaba hadday
Mayalka u qabteen

Waa mahad Allee
Madaxeen bannaan

Waa mahad Allee
Malootigii
Meesha daran ka yimid
Maantaba hadday
Miidaamiyeen

Waa mahad Allee
Madaxeen bannaan

Waa mahad Allee
Moolka iyo nool
Maatida kuwii
Ka maroorsan jiray
Maantaba hadday
Ina magansadeen

Waa mahad Allee
Madaxeen bannaan

Waa mahad Allee
Moolka iyo nool
Maatida kuwii
Ka maroorsan jiray
Maantaba hadday
Ina magansadeen

Waa mahad Allee
Madaxeen bannaan

Faallo: berigii aynu xornimada helnay—gaar ahaan Gobollada Woqooyi, 26 June 1960—heesihii lagu dabbaaldegay bay ka mid ahayd heestani. Ismaaciil-Cagaf oo Ceerigaabo shaqo u jooga ayaa heesta u soo diray Hargaysa markii guumaystihii Ingiriiska xornimada laga qaatay.


 Halkan (Madaxeen Bannaan) ka dhegayso heesta!



No comments:

Post a Comment