Erayada: Cismaan Aadan Xuseen (Cismaan-Askari)
Luuqda: Sahra Axmed Jaamac iyo Xasan Aadan Samatar
Sahra
Haatuf igu dhawaaqyeey
Dharaartu habeen ii tahayeey
Hurdadu soojeed ii tahayeey
Hadhkayguna adiga uu yahayeey
Oo aan haabhaabto ma og tahayeey
Dabadeed ku hungoobo ma og tahay
Haddii aynnaan is arag heedhe
In aan is hiifaayo ma og tahayeey
Xasan
Hammi igu badnaayeey
In hortaydu buur ii tahay
Hareertu waraar ii tahay
In aan is helnaa habboon tahay
Inuu igu kaa hibeeyo
Hoodana Mawlaha ka sugayoo
Haddii aynnaan is helin heedhe
In aan hibanaayo ma og tahay
Sahra
Haatuf igu dhawaaqyeey
Naftaydu hallow ay tahayeey
Haadkuna wehelkayga yahayeey
Hawada u la duulo ma og tahayeey
Oo aan hollan waayay ma og tahayeey
Dabadeed ku hungoobo ma og tahayeey
Haddii aynnaan is arag heedhe
In aan is hiifaayo ma og tahayeey
Xasan
Hammi igu badnaayeey
Inaan qabo harraad weli
Hillaacuna ii baxayoo
Xareedduna adiga ii tahay[1]
Hiyigu iga jiro xaggaaga
Waayuhu iga kaa horjoogo
Haddii aynnaan is helin heedhe
In aan hibanaayo ma og tahayeey
Faallo: waa hees ka mid ah heesihii riwaayaddii Wadhaf iyo Shinbiro ee Cismaan-Askari. Xilligii ay riwaayaddaas soo baxday sannaddadii 1978/79 bay ahayd. Heesihii kale ee ku jiray waxaa ka mid ahaa Bal Aan Kula Dardaarmo.
[1]
Meeriskani
xarafraacii heestu ku socotay ku ma socdo, sida aan u malaynayana, waa ilduuf
ka yimid dhinaca halabuurkii heesta sameeyay.
No comments:
Post a Comment