Ereyad: Cabdulqaadir Xirsi Siyaad (Yamyam)*
Luuqda: Maxamad Saleebaan Tubeec
Sida jaawa geeloo
Jiilaal abaar iyo
Jeel iyo harraad helay
Xalay jeleledkaygii
Jaarkaa ku toosoo
Kaa jiifi waayoo
Adiguna ma joogtide
Ma waxaad is oo jirin
Markaan iilka jiifsado
Ee jahada lay dhigo?
Jiqijiiq mariid lihiyo
Jilbiskiyo abeesadaa
Sidii aan ku joogsaday
Kala booday jaantii
Jirraad igu abuurtoo
Kaa jiifi waayoo
Adiguna ma joogtide
Ma waxaad is oo jirin
Markaan iilka jiifsado
Ee jahada lay dhigo?
Sidi aan jid dheer iyo
Soo jiidhay buuraha
Jirjirrada u dhacayoo
Jilbo dhiiggu iga da’ay
Jacaylkuna ku daydayay
Kaa jiifi waayoo
Adiguna ma joogtide
Ma waxaad is oo jirin
Markaan iilka jiifsado
Ee jahada lay dhigo?
. ________
*Curiyaha heestaan in uu Abwaan Yamyam yahay ayaan u badinaynaa. Ma hubno.
*Curiyaha heestaan in uu Abwaan Yamyam yahay ayaan u badinaynaa. Ma hubno.
No comments:
Post a Comment