Erayada: Cabdi Aadan Xaad
(Cabdi-Qays)
Luuqda: Axmed Mooge Liibaan iyo
Xaliimo Aw Cabdi Saraar
Xaliimo
Curuuqdiyo lafaha
Culays saaranoo
Ceejiyaad tahee
Mooge
Ilaah Caaddilee
Ciidda ka khalqee
Cadka kaa dhigee
Calool kugu korshaa
Ku culaysiyee
Anu ku ma caddibin
Xaliimo
Inkastoon cadhiyo
Ciil hore ku baday
Kol haddaan cabtoon
Cagahaaga aal
Ciidda haygu ridin
Mooge
Codkii aan lahaa
Adoon ceeb ka dhigan
Ciyaar buu ahaa
Aan ku caawiyee
Maxaad ciil qaabtaa
Caawa kuugu daran
Xaliimo
Caana iyo biyaba
Kolay calaalis tahay
Anfacada dhammaan
Waan ka caagganoo
Caashaq weeye kani
Mooge
Qofaan cudurba hayn
Ceesh kama go’ee
Ha cabsooninee
Ceeb ha moodinee
Ma cuntaad rabtaa?
Xaliimo
Caad iyo ufiyo
Caydh bay wadoo
Ciirsilaan dartaa
Cad ka soomayee
Ciidda haygu ridin
Mooge
Cidhiblaay walaal
Calaf waa mar qudha
Tiro waa cuddoon
Cishadii tagtana
La ma soo ceshee
Cagta saar waddada!
No comments:
Post a Comment