Wednesday, November 14, 2018

Cagta Saar Waddada

Ereyada: Maxamed Aadan Dacar
Luuqda: Cumar Xasan Rooraaye & Qamar Cabdillaahi Harawo

Rooraaye

Waxaan ahay nin caanoo
Cilmi iyo aqoon loo
Cirka iyo dayaxa tagay
Ilbaxnimada culus iyo
Cid kastaba yaqaanoo
Ciiddaa kala shubaayee
Aan cadceedda samada iyo
Caadda ku geeyee
Caawa ila garo
Caashaqu hadduu jiro
Adaan calankaa
Calanku ii kaa dul sudhan yahee
Aan wada ciyaarnee
Hadal haygu sooc ellin


Qamar

Haddaad tahay nin cuud loo
Meel kastaba cagaha dhigay
Cidi kuma su’aaline
Amba caanahaygiyo
Wanka cududda weyn liyo
Codcodkaygu igu filane
Ciiddeydan hodankaa
Ceeb u quuri maayee
Carrabkaa ha ii celin
Cudurdaar hadduu jiro
Ha ii cabanin
Hay cabanin aniga
Isku caado mayhine
Cagta saar waddada oo
Hadal haygu soo celin

Rooraaye

Waxaan ahay nin Caws iyo
Ka caweeyay Yuruboo
Cusbo malab ka dhigayee
Anoon kaa calool go’in
Caynkiina kuu jecel
Indhaha hay caddaynine
Aan dahab tin iyo cirib
Ku caleemosaaree
Caawa ila garo
Caashaqu hadduu jiro
Adaan calanka                 
Calanku ii kaa dul sudhan yahee
Aan wada ciyaarnee
Hadal haygu soo celin

Qamar

Waxaan ahay mid cugasha iyo
Caddaloolka neceboo
Cag fudeydka baranoo
Waxba cunaha hays qaban
Sida cawl wadkii galay
Inaan kuu cuntamaayee
Calaf doon haddaan ahay
Kama tagayo calankee
Carrabkaa ha ii celin
Cudurdaar hadduu jiro
Ha ii cabanin
Hay cabanin aniga
Isku caado mayhine
Cagta saar waddada oo
Hadal haygu soo celin




No comments:

Post a Comment