Wednesday, October 31, 2018

Muqdisho (Xamar Waa Madhaafaan)

Ereyada: Yuusuf Aadan Allaale
Laxanka: Cabdikariin Faarax Qaarrey (Cabdikariin-Jiir)
Luuqda: Hibo Maxamed Nuur Huddoon (Hibo-Nuura)

Maskax lagu dadaaliyo
Illeen garasho waa maan
Muruq lagu shaqeeyiyo
Illeen quruxi waa maal
Murtiyey ma guuraan
Taariikh la soo maray
Sheekaa macneysee
Xamar waa madhaafaan
Waana lagama maarmaan
Maalkii dalkeenniyo
Kartidii midnimadaan
Labadaba ku miisnoo
Marsadiyo baddeediyo
Hawdkaa isku muuqdoo
Xamar waa madhaafaan

Ma miliilicdeen weli
Mana jidhiidhicooteen
Anigoo u maragfuray
Dal magaalomadaxdii
Maantay u qalantaa Muqdisho
Waxii waayo soo maray
Iyadaa micnaysoo
Sannadkiiba mawjado
Boqollaal mashruucoo
Nafta muxubbo geliyooy
Mudantaa samaysmoo
Kolba meel madow ahoo
Foolxunoo mugdiya bay
Beddeshaa maddiiddadu
Horana loogu mariyaa
Wayadaan magaaladu
Quruxuba midaysoo
Weliba wada masaysee
Ma miliilicdeen weli
Mana jidhiidhicooteen
Anigoo u maragfuray
Dal magaalomadaxdii
Maantay u qalantaa Muqdisho

Fiiro:  sida ay Hibo-Nuura ku sheegtay wareysigan, heestan waxaa la curiyay marka ay dagaallada sokeeye dalka ka qarxi rabeenhorraantii sagaashannadii.

No comments:

Post a Comment