Tuesday, October 30, 2018

Cududdayda Sii Daa


Erayada: Cali Cilmi Aflow
Laxanka: Aweys Abuukar Nuur (Goobbe)?
Luuqda: Xasan Aadan iyo Sahra Axmed


Xasan

Canabkoo magooliyo
Carguduudda midhihiyo
Cosobiyo dhul baad laay
Lagu mood cirjiidheey
Casar roob darrooroo
Ay cadceeddu qabatiyo
Calcalyada xareeddee
Midabkaagan ciidkee
Caashaqa u sahanaa
Niyadaydi cugataye
Ku calmadaye ma og tahay?


Sahra

Isu soo cayaarguda
Caddallool wadaagtoo
Beryo cuudka wada jiray
Cidahoodu wada tiil
Is tiqiin carruurnimo
maynnu noqon cashiiree
Caawaynnu kulannee
Ii culaysay sheekee
Sidaan kuu cajabiyaa
 Isma camal naqaannee
Cududdayda sii daa

Xasan

Carro laga hayaamoo
Ciyowguun ka qayshoo
Cooflaha libaaxiyo
Cagweynow maroodigu
Cimidh ay u joogaan
Caarraha shabeelkiyo
Wiyiluhu cartamayaan
Caashaqaa daraaddaa
Dhul cabsi le i mariyoo
Ku go'doomay cayntee
Ku calmadaye ma og tahay?

Sahra

Casguduudka waaberi
Cadceeddoo fallaadhaha
Ku cigaalan nuuriyo
Manka caaradiisiyo
Curub geed ku taalliyo
Waxan ahay carruur weli
Waalidkii ceshanayoo
Ma aqaanno caashaqa
Caynka uu u dhiganyee
Isma camal naqaannee
Cududdayda sii daa!


Faallo: heestani waxa ay ku jirtay riwaayad uu Cali Cilmi Aflow sameeyay oo la odhan jiray “Hablaha Maanta iyo Nin u Holladay Guur”. Heeso kale oo caan ahaa baa ku jiray riwaaddaas oo ay ka mid ahayd Godobtayda La Carrow.....


No comments:

Post a Comment