Luuqda: Maxamed Axmed Kuluc
Sida goray dhashiisii
Meel bannaan dhigay
Dhoolkii hillaacaba
Soo dhababaceeyoo
Dhibicii ku hooraba
Baalasha uga dhigayaan
Dhibaatada adduunyada
Adna kaaga dhawraa
Meel bannaan dhigay
Dhoolkii hillaacaba
Soo dhababaceeyoo
Dhibicii ku hooraba
Baalasha uga dhigayaan
Dhibaatada adduunyada
Adna kaaga dhawraa
Sidii gaari
dhaban loo
Dhursugaysay waayo
Dhowaan wiil ku curataan
Dhabta kuugu seexshaa
Dhaayaha sidaad tahaan
Saxarka kaaga dhawraa
Sidii beed dhacaayaan
Dhulka kaa ilaashaa
Dhursugaysay waayo
Dhowaan wiil ku curataan
Dhabta kuugu seexshaa
Dhaayaha sidaad tahaan
Saxarka kaaga dhawraa
Sidii beed dhacaayaan
Dhulka kaa ilaashaa
Dheeldheel
ma hadal baa
Dhalanteed ma arag baa
Dhalooshuna ma geed baa
Anna dhaawacaygiyo
Jacaylkaan la dhuubtiyo
Qalbigaygan kugu dhegay
Ma ii dhoy la'aan baa!
Dhalanteed ma arag baa
Dhalooshuna ma geed baa
Anna dhaawacaygiyo
Jacaylkaan la dhuubtiyo
Qalbigaygan kugu dhegay
Ma ii dhoy la'aan baa!
Fiiro gaar ah: heestani
waxay ka mid ahayd labo heesood oo Yuusuf Xaaji Aadan sannadkii 1977kii
u dhiibay Maxamed Axmed Kuluc, iyaga oo kolkaas joogay magaalada Lagos ee dalka
Nayjeeriya oo ay shaqo u tegeen.
Aad ayaad ugu mahadsan tihiin waanna bogaadinayaa qaabkan aad u soo badhigtaan heesaha.
ReplyDeleteWaxaad xustaan ruuxa curiyay, qifkii laxameeyay, cidda ku luuqaysa oo la socdaan erayadii oo qoran iyo codkii.