Magaca: Godobtayda La Carrow (Gudgude)
Erayada: Cali Cilmi Aflow
Laxanka: Aweys Abuukar Nuur (Goobbe)?
Luuqda: Xasan Aadan Samatar
Siduu yahay gudgude roob
Gaydhiyo dabayl badan
Ban aan geed lahayniyo
Dhul gelgelina kaa helay
Jacayl igu gadaantoo
Markuu ganafka heeryada
Guudka iga saaray
I gurguriyay caashaqu
Ee uu gibishu igu xidhay
I garwaaqsan waydoo
Gacanta igu saydhee
Anna gooha reenkiyo
Gocoshada ma daayee
Meel ay ku gaysaba
Godobtayda la carrow
Nin gunaadku maqan yay
Godka laga abbaaree
Laga ganay ma moogee
Aday gaystay nabarradan
Igu gaaxsanaadiyo
Aramidaan u go’ayee
Adna garasho daraneey
Waad igu gurracantoo
Anigoo dartaa guban
I garwaaqsan waydoo
Gacanta igu saydhee
Anna gooha reenkiyo
Gocoshada ma daayee
Meel ay ku gaysaba
Godobtayda la carrow
Fiiro: waa hees ka mid ah heesihii riwaayaddii “Hablaha
Maanta iyo Nin u Holladay Guur”. Waxaa riwaayaddaas sameeyay Cali Cilmi Aflow
oo ahaa fuundi/wastaad guryaha dhisi jiray oo reer Hargaysa ahaa. Kolkii danbe,
sida aan ka maqalnay dad yaqaannay, wuxuu samaystay moofo/muufo (bakery) roodhida
lagu dubi jiray. Hal’abuur heeso qurux badan sameeyay buu ahaa.
Mahadsanidin.
ReplyDeleteAdigaa mudan, Muxumed Indhageelle
Delete