Saturday, October 27, 2018

Sida Geed Caleen Loo

Erayada: Axmed Saleebaan Bidde
Laxanka: Maxamed Axmed Kuluc
Luuqda: Maxamed Axmed Kuluc



Sida geed caleeniyo
Ubax guudka qariyeen
Ooy gooni laamaha
Ay midiba geesteed
Hoobaan is gaadhiyo
Guntin midho ah leedahay
Oo soo gandoodoo
Galka faraqa soo daray
Oo godan barwaaqaa
Durdur aan go’ayniyo
Gacan webi ku yaalla
Oon gu iyo jiilaal
Midab guurin baad too


Gabadh yahay kalgacal ba'an
Goortaan ku eegaba
Qalbigayga gelisaa
Wax se aanan garanayn
Ii gunudday caashaqee
Halka aad i gaadhsiin

Sidaad tahay gammaan faras
Senge geesi daaqsaday
Oo uu Garduur miray
Soddon bil iyo gawdeed
Uu goobay farowgii
Sararta iyo gaaddada
Oo galangalcooboo
Cududuhu gammuurmeen
Oo galabba loo raro
Sida ramad gu’yaad dhalay
Hadba kaynta geeda le
Oon guluf colaadiyo
Weli socoto dheer gelin

Gabadh yahay kalgacal ba'an
Goortaan ku eegaba
Qalbigayga gelisaa
Wax se aanan garanayn
Ii gunudday caashaqee
Halka aad i gaadhsiin

Sida gubanka qaarkii
Dhul gargoorku siman yay
Ama maadh galdhiidhoo
Gubatiyo ku taal Hawd
Oo labo gardhoobood
Badhba gees u seexdeen
Dharabkiyo geedaha
Quruxdooda gaarkaa
Ama haro gingimanoo
Guud ka xarfanaysoo
Shinbiruhu ka giigeen
Oon gu’ iyo jilaal
Midab guurin baa too

Gabadh yahay kalgacal ba'an
Goortaan ku eegaba
Qalbigayga gelisaa
Wax se aanan garanayn
Ii gunudday caashaqee
Halka aad i gaadhsiin



1 comment:

  1. Miraha heesii hore waa mid murti miiran, laakinse kuwa maanta waa faaido la'aan.

    ReplyDelete