Thursday, June 6, 2019

Badda Caashaqa


Erayada: Maxamed Cumar “Huryo”
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Sahra Axmed Jaamac


Badda caashaqeen gudhin
Een cidi ka soo bixin
Aday baraye ma og tahay!
Kolkii aan barriinsaday
Ka baxdaye maxaa dhacay
Beenaysay wacadkii! 

Nabsi waa ma baaqdee
Adoo baahan la arkee
Ina’n kuu badheedhee
Adigoo bukoodoo
Bogsadaana hawl yarayn

Bir ku goysayeey
Aheey! barashadeennii



Buuqiyo walaaciyo
Beerkayga lahashada
Adaa badaye ma og tahay;
Kolkuu bixiyay laamaha
Uu baahay adigaa
Bar xun igaga leexdee!

Nabsi waa ma baaqdee
Adoo baahan la arkee
Ina’n kuu badheedhee
Adigoo bukoodoo
Bogsadaana hawl yarayn

Bir ku goysayeey
Aheey! barashadeennii



Buuqiyo hammiga iyo
Boholyowga xiisaha
Aday baraye ma og tahay;
Kolkuu belalay ololkii
Meel baaxadsooraa
Beryo igaga baydhee!

Nabsi waa ma baaqdee
Adoo baahan la arkee
Ina’n kuu badheedhee
Adigoo bukoodoo
Bogsadaana hawl yarayn

Bir ku goysayeey
Aheey! barashadeennii






1 comment: