Wednesday, June 5, 2019

Waan Duulayaaye



Erayada: Saxardiid Maxamuud Jabiye
Luuqda: Maxamed Aadan “Dacar” iyo Hibo-Nuura

Dacar

Dabar iyo hoggaaniyo
Dani seeta weeyee;
Iga duule xoolihii
Adna kaama daahnee
Dib ina’n u dhoofaan
Taladii ku daystee
Aan kula dardaarmee
Rugta sii daryeeloo… 


Hibo

Dantu waa inanyow
Innagoo is dul joognee;
Dal kalaan tegayaa
Dubaaqaaga ka saar

Dacar

Waan duulayaaye
Degmoy ii soo ducee

Hibo

Way inoo danbaysaa
Dacarow ha degdegine joog

Dacar

Ragga socodku waw u door
Haddii mawdku daayee;
Darbi lama fadhiistiyo
Halkii kuu darraatee
Kol haddaan wax daaqiyo
Duunyo iiba foofayn
Doqonnimo weeyaan
Innagoo is dul joognaa!

Hibo

Duunyo meel ku oodnayd
Soo dareerin mayside;
Dal kale taad ka dayi layd
Halkan nooga doonoo…

Dacar

Waan duulayaaye
Degmoy ii soo ducee

Hibo

Way inoo danbaysaa
Dacarow ha degdegine joog


Dacar

Doqon baan ogsoonayn
Darxumada ku fool lee;
Dugsan maayo geeluba
Duddadii yagleelee;
Si uun laguma daayee
Xiddiggaa is doorshoo;
Doog iyo abaar baa
Kolba midi danbeeyaa

Hibo

Kol haddaanad daynayn
Kaaga dayrin maayee
Dawga aad maraysoo
Daa’in kuu hadheeyiyo…

Dacar

Waan duulayaaye
Degmoy ii soo ducee

Hibo

Ducaan kugu labeeyee
Dacarow ii soo dadaal







Fiiro gaar ah: erayada heesta waxaa hore u qoray oo YouTube soo geliyay Mudugboy. Laakiin tifaftir yar oo kooban iyo ciddii erayada heesta samaysay baan ku darnay annaga oo ah bahda Heellooy.

No comments:

Post a Comment