Sunday, June 16, 2019

Dharaartaan


Erayada: Cali Sugulle Duncarbeed
Laxanka: Cabdillaahi-Qarshe
Luuqda: Maxamed Saleebaan Tubeec


Dhaaxaan gunnimiyo dhibaato mutoo
Dhoomaha layga saaray dhinacyada eey
Dharaartaan waxyeelladii dhaqdhaqee
Calanka dhidbay sow ma soo dhicineey 


Dharaartaan waxyeelladii dhaqdhaqee
Calanka dhidbay sow ma soo dhicineey


Dhaaxaan baqay sidaan dhufaan ahayoo
Dhiggay qaar ah aan ka dhawrsanayee
Dharaartaan asaaggay dhinac galayaan
Ku dherersaday sow ma soo dhicineey

Dharaartaan waxyeelladii dhaqdhaqee
Calanka dhidbay sow ma soo dhicineey


Dhaaxuu gaalka qaatay dheeraadoo
Anigoon dhiman maalka layga dhaxlee
Dharaartii xaqayga lay dhigayee
Lay dhiibaayay sow ma soo dhicineey

Dharaartaan waxyeelladii dhaqdhaqee
Calanka dhidbay sow ma soo dhicineey


Dhaaxaan biyo moodnay dhalanteedoo
Dhab loo qaatay been la soo dhabdhabee
Dharaartaan shisheeye dhoofinayee
Lay dhaafayay sow ma soo dhicineey

Dharaartaan waxyeelladii dhaqdhaqee
Calanka dhidbay sow ma soo dhicineey


Dhaaxaan gaaja iyo harraad dhanqalmee
Dharaartaan u soo dhibaato mutaay
Dhoollaha qosol maygu soo dhacayeey

Dharaartaan waxyeelladii dhaqdhaqee
Calanka dhidbay sow ma soo dhicineey


Dhaaxaa lay lahaa lagaa dhacanyee
Dhowaadayo waanigaas dhakhsadee
Dharaartii walaalkay loo dhisayee
Hortii dhashay sow ma soo dhicin!

Dharaartaan waxyeelladii dhaqdhaqee
Calanka dhidbay sow ma soo dhicineey




No comments:

Post a Comment