Erayada: Saxardiid
Maxamuud Jebiye
Luuqda: Maxamed Yuusuf
Cabdi
Waa kii aynu rabnee
Kifaaxiisa galnee
Soomaalaay kulligaa
Kulmiyaa la sudhee
“Kadabaa” dhaha eey
Kadabaa kadabaa
Kadabaa kadabaa
Korodhsiimo helnoo
Kaalinteennii galnee
Soomaalaay kulligaa
Kulmiyaa la sudhee
“Kadabaa” dhaha eey
Kadabaa kadabaa
Kadabaa kadabaa
Gaajadii kululiyo
Kuduudkii ka kacnee
Soomaalaay kulligaa
Kulmiyaa la sudhee
“Kadabaa” dhaha eey
Kadabaa kadabaa
Kadabaa kadabaa
Kunfacii la cadaab
Kufrigii erinnee
Soomaalaay kulligaa
Kulmiyaa la sudhee
“Kadabaa” dhaha eey
Kadabaa kadabaa
Kadabaa kadabaa
Waa kii aynu rabnee
Kifaaxiisa galnee
Soomaalaay kulligaa
Kulmiyaa la sudhee
“Kadabaa” dhaha eey
Kadabaa kadabaa
Kadabaa kadabaa
Faahfaahin dheeraad ah: Waa mid ka mid ah heesihii la sameeyay ee la qaaday habeenkii dabbaaldegga xornimadii 26kii Juun, 1960. Heesihii habeenkaa lagu dabbaaldegay ee laga qaaday Beerta Xorriyadda Hargeysa ayay ka mid ahayd. “Kadabaa” waa eray duco ah oo u dhigan: Ilaahow noo kadab—Ilaahow noo calaf calanka!
No comments:
Post a Comment