Wednesday, January 23, 2019

Dhayal Looma Heesee

Erayada: Axmed Saleebaan Bidde
Laxanka: Xudaydi iyo Maxamed Mooge
Luuqda: Maxamed Mooge Liibaan

Dhayal loo ma heesee
Dharaartii aan ku caashaqay
Ee aad dhibtaadiyo
Igu dhalisay hawlahan
Dhulkan oo gu’guu da’ay
Dhinacyadan Maqaaddiish
Dhanka midig baddii tahay
Bidixduna dhir iyo doog
Ciiddan dhabaq guduudka ah
Ee Dhiin lo’deenniyo
Geeluba ku dhaaddamo
Iyo ubaxa dhaadheer
Miyaad ka la dhex taagnayd!




Markii aan dhab kuu dayay
Cadceed dhalatay waaberi
Ama dhool aroornimo
Dhanka bari ka soo kacay
Naasaha dhexdoodii
Dhuuxii Hargeysiyo
Dhamashii ku dhererrayd
Uu mayay ku dhow yahay
Intoon kaa la meel dhigay
Igu dhilisay caashaqee
Markii aan ku dheehdaba
Ama dayo dhankaagaba
Sow kuguma dheelliyin


Waxaa la isku dhaafaa
Dhexyareey nasiibkee
Malaa waanad dhaadine
Soomaalaad ka dhalatoo
Dhay lagugu koriyood
Damal dhererka noqotoo
Haddii dumar dheg leeyiin
Ama dhaadin iyo qurux
Waa lagu dhammeeyoo
Anna dhibaha jiilaal
Dharaaraha kulaylkaa
Sida dhibaca loo filo
Ayaad iigu dheertoo
Waan kaa dhursugayaa!





3 comments:

  1. "...Intoon kaa la meel dhigay
    Igu dhilisay caashaqee
    Markii aan ku dheehdaba..."

    Dhilisay = hurisay, ololiday iwm.

    Marka uu dhuxul dab ahi daaro/shido dhuxula kale ama qorya, oo uu dabku u muuqdo in uu baxay ayaa la dhahaa "dabkii uu dhilay"

    Eraygan waxaa laga dhadhansan karaa, in uu dabku ka billowday heer aad u hooseeya ama daciif ah, uu na hadda ku socdo xoogeysi iyo darreyn.

    F.G: waxaa jira dhowr micna, oo uu eraygani leeyahay, waxaa se' hadba si u fasira jimlada ama oraahda uu markaa ku jiro, waxaana ka mid ah:
    1) Timaha ii dhil = timaha ii qurxi (jarid ama toosin kale iwm)
    2) Abuur lunkaan ka soo dhashay kala dhil = digir, meseggo, galley iwm, oo lun ku batay kala yareyn
    3) Miraha si fiican u dhil = miraha ka fiiq maqaarka

    >> Waa inta aan ku aqaan.

    Mahadsanid.

    ReplyDelete
    Replies
    1. @Cabdinuur Afeey, walaal aad baad ugu mahadsan tahay ereyga aan sixi waynay sida aad nooga caawisay.

      Delete
  2. Alle haku how naxaristo maxamed mooge liban fanaan somaliyeed ayuu ahaaaye

    ReplyDelete