*Ereyada: Cabdi Aadan Xaad (Cabdi Qaysa)
Luuqda: Maxamad Mooge Liibaan
Maalinta xanuunkiyo
Xaqa mowdku soo galo
Xabaasha iyo illkaan
Kugu soo xusuustaa
Xiddiga cirkee sare
Inaad xubin ka mid ah tahay
In aad hoos u xulan tahay
Dhulka xero ku lee dahay
Maannu helin xogtaadee
Aakhirooy xaggee baad naga xigtaa?
In la xaabinaayoo
Adduunyadu xayiran tahay
Oon xawd la reebeyn
Waa xarafka Eebbee
In aad xuuralcayn iyo
Janno iyo xareed tahay
Marna xuladda naariyo
Xanuun iyo dhib uun tahay
Xejiyey ku maqalnaye
Aakhirooy xaggee baad naga xigtaa?
Inta gabar xishoodliyo
Nin xariira kugu maqan
Ama geesi kugu xiran
Xaddi way ka badatee
In aad xaajo adag iyo
Xisaab lee dahay maqalnaye
Xumaan iyo samaanta
Xaalad ay ku nool yihiin
Maannu helin xogtoodee
Aakhirooy xaggee baad naga xigtaa?
________________
* Heestaan waa tii ay ka bilaabantay silsiladdii caanka baxday ee Siinley loo yaqiinnay.
Luuqda: Maxamad Mooge Liibaan
Maalinta xanuunkiyo
Xaqa mowdku soo galo
Xabaasha iyo illkaan
Kugu soo xusuustaa
Xiddiga cirkee sare
Inaad xubin ka mid ah tahay
In aad hoos u xulan tahay
Dhulka xero ku lee dahay
Maannu helin xogtaadee
Aakhirooy xaggee baad naga xigtaa?
In la xaabinaayoo
Adduunyadu xayiran tahay
Oon xawd la reebeyn
Waa xarafka Eebbee
In aad xuuralcayn iyo
Janno iyo xareed tahay
Marna xuladda naariyo
Xanuun iyo dhib uun tahay
Xejiyey ku maqalnaye
Aakhirooy xaggee baad naga xigtaa?
Inta gabar xishoodliyo
Nin xariira kugu maqan
Ama geesi kugu xiran
Xaddi way ka badatee
In aad xaajo adag iyo
Xisaab lee dahay maqalnaye
Xumaan iyo samaanta
Xaalad ay ku nool yihiin
Maannu helin xogtoodee
Aakhirooy xaggee baad naga xigtaa?
________________
* Heestaan waa tii ay ka bilaabantay silsiladdii caanka baxday ee Siinley loo yaqiinnay.
No comments:
Post a Comment