Erayada: Xasan Sheekh Muumin[i]
Luuqda: Cabdi Muxumed Ammiin iyo Hibo Maxamed Huddoon
(Hibo-Nuura)
Cabdi Muxumed
Doc kastoo la eego
Noloshu dunidu waa dabkee
Hadduu dabkii dhaxmoodo
Maxaa lagu diiriyaa?!
Waa tilmaan la daahoo
Degdeg ku ma habboone
Adoo deggan u fiirsoo
Ujeeddada i deeqsii
Hibo-Nuura
Ruux haddii la doorto
Derajadii la saariyo
Xilka daryeeli waayaa
Dab dhaxmooday weeyee!
Waa su’aal da’ weynoo
Madaxa daalinaysee
Wixii lagu diirinaayo
Dadweynahaa la wayddiin!
Cabdi Muxumed
Durdurkaa laga cabbaa
Biyihiis lagu dabbaashaa
Hadduu harraad dareemo
Darkee laga waraabshaa?!
Waa tilmaan la daahoo
Degdeg ku ma habboonee
Adoo deggan u fiirsoo
Ujeeddada i deeqsii
Hibo-Nuura
Ruuxa duunyo haystee
Dahabkana barkanayee
Wixiisi deeqi waayeen
Durdur oomay weeyee!
Waa su’aal da’ weynoo
Madaxa daalinaysee
Darkii laga waraabin
Dadweynahaa la wayddiin!
Cabdi Muxumed
Qofkii cudur dilaayo
Dawadaa bogsiisee
Hadday dawo bukooto
Maxaa lagu dabiibaa?!
Waa tilmaan la daahoo
Degdeg ku ma habboonee
Adoo deggan u fiirsoo
Ujeeddada i deeqsii
Hibo-Nuura
Dallaalimada Diintiyo
Distoorkiyo xeerka
Haddii dabool la saaro
Dawo bukootay weeye
Waa su’aal da’ weynoo
Madaxa daalinaysee
Wixii lagu dabiibi
Dadweynahaa la wayddiin!
Cabdi Muxumed
Subagga dufankiisaa
Dadku ku dhaashadaane
Hadduu dufan basaaso
Maxaa duxdii ka qaaday?
Waa tilmaan la daahoo
Degdeg ku ma habboone
Adoo deggan u fiirsoo
Ujeeddada i deeqsii
Hibo-Nuura
Dhaqanku dugsi weeyaan
Dalkiisu ku dhaatee
Haddii dadkiisi aaso
Dufan basaasay weeyee
Waa su’aal da’ weynoo
Madaxa daalinaysee
Halkii dux looga dooni
Dadweynahaa la wayddiin!
[i]
Xasan Sheekh Muumin wuxuu ka mid ahaa raggii halabuurka ahaa ee magaca iyo
sharafta ku dhex lahaa bulshada Soomaalida. Wuxuu ahaa faylasoof dhaqanyaqaan
ah oo aad u xikmad badan. Cilmibaadhisyo ayuu ku sameeyay dhaqanka fog ee
Soomaalida. Heestani waxay ku jirtay riwaayaddii uu lixdannadii sameeyay ee la
odhan jiray: Shabeel Nagood. Waa riwaayad caalami noqotay oo afka Ingiriisiga
loo turjumay oo dad aan Soomaali ahaynina barteen.
No comments:
Post a Comment