Wednesday, February 6, 2019

Cidna Eersan Maayee (Cabashiyo Caloolyow)

Erayada: Cabdillaahi Cabdi Shube[i]
Luuqda: Maxamed Saleebaan Tubeec


Cabashiyo caloolyow
Ciil kaama bi’iyaan
Talo cayn wareegtana
La is ku ma canaantee
Caqli iyo hubsiinaa
Cidhib looga aayaa
Cidna eersan maayee



Sida ciyowga aydaan
Casarkii dhawaaqaa
Ama cawsha duurkaan
Cidladuun wareegaa
Ciirsi la’ anaa is dhigoo
Iyo culuqaan gaystoo
Cidna eersan maayee

Cirku nimuu ku soo dumay
Cidi ka ma dul qaaddee 
Dhulku miduu la ciirana
Laga caawin maayee 
Cantar kii  haleelaa
Cadkii iga dhammeeyoo
Cidna eersan maayee

Jacayl waa cadaawoo
Cidi kaama qaaddee
Dawo lay cabsiiyiyo
Cashar waan ka quustee
Waxa cunaha dhaafiyo
Cunto waan illaawee
Cidna eersan maayee

Cawo iyo ayaankuba
Calaf Eebbe weeye
Cisigiyo wanaaggana
La ma celin karaayee
Ciirsi la’ anaa is dhigay
Iyo culuqaan gaystoo
Cidna eersan maayee




[i] Cabdillaahi Cabdi Shube wuxuu badhtamihii labaatannadii qarnigii tegay ku dhashay tuulo ku taal xeebta Gobolka Woqooyi-Galbeed oo Bulloxaar la yidhaahdo. Wuxuu ahaa halabuur aad caan ugu ahaa tixaha maadda ah. Waa halabuurkii curiyay heeso badan oo ka mid ahaayeen: 1) Buur baa kugu gudbane; 2) Ma la dhuubtay awgaa; iyo qaar kale oo caan ah oo badan. Toddobaatannadii buu ku dhintay magaalada Hargeysa. Allow u naxariiso.



No comments:

Post a Comment