Ereyada: Xuseen Aw Faarax Dubbad
Laxanka: Ismaaciil Cabdi Geri (Ismaaciil-Yare)
Luuqda: Xaliimo Cumar Khaliif (Magool)
Dhirta xididka hoosaa
Dhulka loogu beeree
Way dhici lahaayeene
Dhismahooda weeye;
Kii dhaba jacaylkuna
Halkii kama dhaqaaqoo
Dhidib baa u aasan
Waa sida dhilowyahan
Intuu laan isaga dhagay
Dhexda loogu marayeey
Dhakhsa uga baxaayee;
Kii dhaba jacaylkuna
Lama kala dhantaaloo
Lafahuu dhammeeyaa!
Sida dhudaha weeyaan
Isu dheellitiranoo
Midba dhan u baxaysoo
Dhinaca isa saaree;
Kii dhaba jacaylkuna
Waa dhaqan-wadaagiyo
Isu dhalasho daacada
Sida dhalanka weeyaan
Dheehaa caleentuye
Ubax wada dhalaaliyo
Dhimbishaa hadhaysee
Kol hadduu dhab naga yahay
Kala dhuuman maynnee
Waagaa dharaar noqon
Kii dhaba jacaylkuna
Halki kama dhaqaaqoo
Dhidib baa u aasan
Kii dhaba jacaylkuna
Lama kala dhantaaloo
Lafahuu dhammeeyaa!
Kii dhaba jacaylkuna
Waa dhaqan wadaagiyo
Isu dhalasho daacada
Laxanka: Ismaaciil Cabdi Geri (Ismaaciil-Yare)
Luuqda: Xaliimo Cumar Khaliif (Magool)
Dhirta xididka hoosaa
Dhulka loogu beeree
Way dhici lahaayeene
Dhismahooda weeye;
Kii dhaba jacaylkuna
Halkii kama dhaqaaqoo
Dhidib baa u aasan
Waa sida dhilowyahan
Intuu laan isaga dhagay
Dhexda loogu marayeey
Dhakhsa uga baxaayee;
Kii dhaba jacaylkuna
Lama kala dhantaaloo
Lafahuu dhammeeyaa!
Sida dhudaha weeyaan
Isu dheellitiranoo
Midba dhan u baxaysoo
Dhinaca isa saaree;
Kii dhaba jacaylkuna
Waa dhaqan-wadaagiyo
Isu dhalasho daacada
Sida dhalanka weeyaan
Dheehaa caleentuye
Ubax wada dhalaaliyo
Dhimbishaa hadhaysee
Kol hadduu dhab naga yahay
Kala dhuuman maynnee
Waagaa dharaar noqon
Kii dhaba jacaylkuna
Halki kama dhaqaaqoo
Dhidib baa u aasan
Kii dhaba jacaylkuna
Lama kala dhantaaloo
Lafahuu dhammeeyaa!
Kii dhaba jacaylkuna
Waa dhaqan wadaagiyo
Isu dhalasho daacada
No comments:
Post a Comment