Thursday, December 27, 2018

Nin Ku Siray Wax Kuu Sheeg

Miraha: Maxamuud Cabdullaahi Ciise (Singub)
Luuqda: Kooxda Waaberi? (Saynab Cige, Salaad Darbi, Magool iyo Tubeec)

Saynab

Maxaa siro la qeybsaday
Safsaf laysku kala maray
Siraad laysu wada shiday
Laysa sogordahaayaa
Lays wada sabaayaa
Salaanaan niya ahayn
Gacma la isa saaraa
Laysu soo dhoweeyaa
Runta laga siqaayaa
Beenta sacabka loo tumay


Adduunyada sir iyo caad
Ninba sida dantiisaa
U sitaa saqaafaha
Saamo laysu jiidaa
Laysu wada sanqanayaa
Siddiqabaxi daba taal
Afka subag la mariyaa
Calooshuna sun jiiftaa

Sancaalaha gumaystaha
Hubka ay samaystaan
Haddaanay dhiig ku socodsiin
Siduu u gadmaayaa?

Salaad Darbi

Waxay tahay su'aashii
Kolba laba sokeeyaa
Saaxiib ahoo walaalaa
Laysku soo diraayaa
Markii laba saf loo go'ee
Saanaddii dhammaatee
Soo qeyshado la dagihii
Soori waannu ka xun nahay
Siliciyo dhibtiinnaba
Siintii way dhammaatee
Sawaariikhda naga gada
Sahal loo yiraahdaa
Waa sidaa ujeeddadu
Afrikaay sidaadaba
Sac baan xoolo lee nahay
La yiraahdo Saxardiid
Sumaddiisu midab tahay
Afartan iyo siddeed naas
Simmani ay ku yaallaan
Caanuhu ay sunsumayaan

Magool

Markii uu salaaddiyo
Saqdadhexe ka toosiyo
Candho saabkii waayuu
Isticmaar salaaxuu
Sibraarrada ka dhaansaday
Jeeraad saafi noqotaanoo
Faro simman ahaataan
Inaad seermawaydiyo
Guryosamo ka baaqdaan
Sacabka haw garaacina
Sidaan waan naqaannaa
Sidaanna waannu garannaa
Hadday gacantu saan tahay
Sri bay cirib ku lee dahay

Tubeec

Sinnaantu waa dhab
Saadaashu waa run
Xornimo waa sed
Haddaad samirki aragteen
Waxba inaanu soo sidin
Sannadkana ogaateen
Qarniguna sargooyada
Labaatan uu ku sugan yahay
Taariikhdana la socotaan
Maydin seefta maashaan?
Ilaa aad samaysaan
Saldhig aad tidhaahdaan
Sokeeyihi madoobaa
Sugi mayno nolol wacan
Nin ku sugay gar kuu dhigay
Kuu dhigayeey
Nin ku siiyay kuu faan
Kuu faanyeey
Nin sarbeebay kaa qari
Kaa qariyeey
Nin ku siray wax kuu sheeg
Kuu sheegyeey
Afrikaay ha seexan!
Ha seexan!
Afrikaay ha seexan!
Ha seexan!
Afrikaay ha seexan!
Ha seexan!

Erey-fur
Sogordah: hadal la isu maldahao, la isu sarbeebo.
Sanqasho: indhaha oo la isaga baaqo.
Saqaafo: kabo.
Soori: sorry (raalli ahow, waan ka xumahay) .

No comments:

Post a Comment