Monday, December 10, 2018

Hayga Goosan

Erayada: Jaamac Saleebaan Tubeec
Laxanka: Jaamac Saleebaan Tubeec
Luuqda: Aamina Fayr Xuseen iyo Maxamed Saleebaan Tubeec

Aamina Fayr

Galalowsin meel ay
Galowgiyo ugaadhii
Geesaha ka dhaafeen
Aday gogoli kuu taal
Galladdayda dhaaxaan
Geed iyo hadh jiifee
Hayga goosan caawaad
Iga gacan sarraysaa


Tubeec

Anoo ku go’aayoo
Garab kaa filaayaad
Axdigeennii goysoo
Geesta iga dhaaftee
Nabsi gaaxsanaa baa
Bowdyaha ku gooyee
Guur hayga filanine
Gurigayga ii dhaaf


Aamina Fayr

Nabsi ruuxii gaaxshaa
Godolkiisa maalee
Sidaan anigu kuu galay
Gefi maysid adiguye
Aar gudashadaaduna
Gar Ilaahay weeye
Hayga goosan caawaad
Iga gacan sarraysaa

Tubeec

Qof gafaa abaalkii
Yahay guuldarraantee
Waxan ahay nin gabadh yahay
Gacantaadu melegtee
Waxan ahay gar-eexiyo
Godob kaa tirsanayee
Guur hayga filanee
Gurigayga ii dhaaf

Aamina Fayr

Adoo gacal i soo biday
Waa taan ku gawdhshay
Ku garwaaqsan waayee
Kaa taagtay gacantee
Waxan anigu gaystaa
Goobtaa i joojee
hayga goosan caawaad
iga gacan sarraysaa

Tubeec

Waxan ahay nin gacalkii
Awgaa u gooyoo
Waxan ahay gargaarkii
Gallad kaaga waayee
Waxan ahay gandoodiyo
Gocosho u danbaysee
Guur hayga filanee
Gurigaygan ii dhaaf

Aamina Fayr

Gawraha habeenkii
Gudcurkaad istaagtiyo
Gadhkii aad qabatiyo
Guubaabadaadii
Gardarraan u qaatoo
Kuu maan garaabine
Hayga goosan caawaad
Iga gacan sarraysaa

Tubeec

Sidaan ahay nin gaal oo
Xaramaynkii galayoo
Gubay maalin ciidoo
Lagu soo gurmaday baad
Gebi dheer i saartoo
Igu goonibaadhee
Guur hayga filanee
Gurigayga ii dhaaf

Faallo: Jaamac Saleebaan Tubeec waa Maxamed Saleebaan Tubeec walaalkii oo ay gu' ka la weynaayeen. Aamina Fayr Xuseen waxa ay ka mid ahayd hablihii loogu jeclaa ee ugu codka wacnaa fanka heesaha Soomaalida. Muddo kooban bay ku dhex jirtay hawlaha fanka. Sannaddadii lixdannadii bay u badnayd. Reer Hargaysa ayay ahayd. Hadda waxa ay ku nooshahay Hargaysa. Beri hore oo aan dhowayn bay meel is kaga tiirisay xirfaddeedii faneed ee hore, mana jecla in laga waraysto ama cidi ku soo hadal qaaddo. Alle ha dhawro Aamina Fayr.  

No comments:

Post a Comment