Friday, March 1, 2019

Midab Gumaysi Diida (Madaxdii Afrikaay)


Erayada: Maxamuud Cabdullaahi Ciise “Singub”
Luuqda: Cabdi Cali Bacalwaan iyo Dalays iyo jiibinta Kooxdii Waaberi!


Ian Smith[i] ma muuqdeen
Rhodesia[ii] ma maageen
Haddaan midig la siinin

Bortaqiis ma madhiyeen
Mana uu malaysteen
Mozambique Angola

Mindiyihii qarsoonaa
Gini lagu miraayay
South Africa ma moogin

Hadal iyo murtina
Afrikaay is maqal
Midab gumaysi diida

Dadka oo midooboo
Kulligii masoobiyo
Nabad lagama maarmo

Maalintay xumaatee
Ragga aydun murantaan
Waranku waa macaan yahay

Madowgaaga kaan rabin
Muuqaaga kii neceb
Tiisana ha meelmarin

Hadal iyo murtina
Afrikaay is maqal
Midab gumaysi diida

Haddii aan maskaxi talin
Dhegtu maqal xumaha jira
Indhuhu maalin aragti
Luguu hawsha maamulin
Gacmuhuna wax kuu qaban
Cadow kaa ma maagto

Midabkuba sed weeyee
Magacuba dan weeyee
Murtidu dhaxalgal weeye
Hadal iyo murtina
Afrikaay is maqal
Midab gumaysi diida

Madaxdii Afrikaay
Mabda’ii gumaysigu
Magacood ba’ wuxu yahay
Wanka macasha ii qabo
Adigu gawrac ii mari
Dhiiggana aan muudsado!

Sirtii aad ku marateen
‘Maya’ haddaad tiraahdaan
Ma afkaa maroorsami!
Hadal iyo murtina
Afrikaay is maqal
Midab gumaysi diida

  





[i] Nin caddaan ahaa oo, isaga garab ka helaya gumaystihii reer Galbeed, sharci darro kula wareegay talada dadka reer Zimbabwe. 1964 ilaa 1978 ayay caddaankii uu ninkaasi ka tirsanaa ee tirada yaraa haysteen xukunka dalkaasi. Laakiin markii danbe waxaa ka adkaaday madowgii badnaa ee dalka lahaa ee xornimadoonka ahaa.

[ii] Magac hore oo loo aqoon jiray dalka Zimbabwe. 

No comments:

Post a Comment