Erayada: Xasan Xaaji Cabdillaahi
(Xasan-Ganey)
Luuqda: Xaliimo Cumar Khaliif
(Magool)
Ma jir caashaq bay helay
Ma adaa Jardooliyo
Jirdagooye kugu dhacay;
Carrabkaygu jalaq gabay!
Sidaan anigu jecelahay
Adigoo u jeel qaba
Ma jiq bay na kala xiga
Iyo buurtii jamal Qaaf!
Anoo jiifka qaban liyo
Adoo jeegada u yaal
Miyay talaba joogtaa!
Haddaan calafku ila jirin
Waanigan jiiciirtee
Jaw nabadgelyee!
Waayaha janjeedhaa
Siduu iigu jiifsaday
Miyuu kuugu jinicsaday;
Jirro maw gudboonnahay
Jaar caashaq maw nahay
Iyo jaynaf macaluul
Sidaan anigu jecelahay
Adigoo u jeel qaba
Ma jiq bay na kala xiga
Jarrata iyo Laalays!
Anoo jiifka qaban liyo
Adoo jeegada u yaal
Miyay talaba joogtaa!
Haddaan calafku ila jirin
Waanigan jiiciirtee
Jaw nabadgelyee!
Fiiro: Waxaa erayada heestan qoray Aw Guudcadde, oo ah saaxiib si aad ah u jecel codkii iyo heesihii ay qaadday
heesaayaddeennii qaaliga ahayd ee Magool.
No comments:
Post a Comment